Waxaa maalinta arbacada ah ee 24 ka bishan abriil lagu qabanayaa magaalada Stockholm gaar ahaan xaafada Kista carwo lagu soo bandhigi doono qalab IT-ga ee loo isticmaalo waxbarashada, gaar ahaan noocyadii ugu dambeeyey. Waxa bandhigaa wehelin doona kulamo iyo muxaadarooyin iyaguna isla meeshaa ka dhici doona. Waxay carwadu socon doontaa laba cisho. Guji halkan..


Maamulaha xarunta barashada luqadaha ee Stockholm (språkcentrum) ayaa dhowaan booqday magaalada Dubai ee dalka Imaraadka carabta. Joakim Götz waxa uu halkaa kaga qeyb galay kulan waxbarasho oo halkaa ka dhacay. Shirka waxa lagaga hadlayey sidii loo soo saari lahaa jiil hanan kara oo hogaamin kara mustaqbalka. waxa ka soo qeyb galay aqoon yahano kala duwan oo halkaa ka hadlay. Akhri waxa uu ka yidhi safarkiisii.
Dugsiga xannanada iyo barbaarinta carruurta waxa loogu talo galay ilmahaaga.
Kulan lagaga hadlayey afka hooyo kana qeyb galeen waalidiin soomaaliyeed ayaa ka dhacay Guriga ummada ee ee xaafada Rinkeby. Waxaa waraysiyo ka diyaariyey Radio Sweden qeybtiisa af-soomaaliga.